Wareegto kasoo baxdey xafiiska Wasaarada Amniga & Warfaafinta dowladda Puntland ayaa gabi ahaanba Idaacadaha FM-ka ee ka
howlgala cariga Puntland lagu wargaliyey ineysan baahin karin laanta Af-Somaliga VOA barnaamijyadeeda.
Qoraalkaan ayaa lagu sheegey in Idaacada VOA laanteeda Af-Somaliga noqotey mid abuureysa amni darro ka dhacdA maamulka Puntland oo
xasiloonan ku caanbaxey iyaga oo waresiyo ka qaadey dad aan mas'uuliyad iyo in wax la weydiiyo u qalmin kuwaasoo sheegtey in
xafiisyo siyaasdeed ka furteen xarunta dowladda ee Garowe.
Dowladda Puntland ayaa dhinaca kale ku tilmaantey nasiib darro in Idaacadda VOA laanteeda af-Somaliga xubnaha ka ah madaxda ay
niyad jab ku rideen shacabka Puntland kadib markii ay ka qayb qaateen ama mid noqdeen siyaasadaha is-qab-qabsiga ku saleysan ee
Somalia.
Wareegtadan mid ka horeysay ayaa lagu xusey in Wariyeyaasha Idaacadda VOA laanteeda Af-Somaliga kuwooda ka howlagala Puntland aysan
dirri karin wax war ah.
Talaabadan ay qaadey dowladda Puntland ayaa waxaa wararku sheegayaan in daba socoto khilaaf isa-soo tarayey ee u dhexeeya madaxda
xafiiska laanta Af-Somaliga VOA kaas oo salka ku haya in shaqaalaheedu xilalka loogu qaybin qaabka siyaasadeed ee Somalia u
dhigantey kaas oo sababey in dagaal sokeeye wadanka ka socdo muddo 20 sano ah.
Goáanka dowladda ayaa ah mid aan sameyn ku yeelan qaybta af-Ingriiska ee VOA taas oo Idaacadaha baahiyaha laanteeda Af-Somaliga
qaarkood sii daayeen maanta 2 Oct,2009.
Radio Garowe oo baahin jirey Idaacadda VOA laanteeda Af-Somaliga ayaa kamid ah kuwa saameynta uu ku yeeshey go'aankaan iyada
agaasinkooda u hogaansameen amarkaan.
Idaacadaha kale ee FM ee Puntland ayaa sidoo kale gabi ahaanba saakey baahin Idaacadda VOA laanteeda Af-Somaliga.
Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
Permalink > Somalia > News > garoweonline.com > 02 Oct 2009 > 1,744 characters > ref: 5794
slashnews
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay
- Cumar Fiyaasko oo Caawa KM13 lagu dilay

