Inta la ogyahay saddex qof ayaa ku dhintay, 14 kalena way ku dhaawacmeen dagaal shalay dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo isku
horfadhiyay deegaamada Ceel-berdaale oo u dhexeeya degmooyinka Gabiley iyo Baki. Kuwaas oo Deegaamadaa ka soo kala jeeda.
Suldaanka degmada Dilla Suldaan Cabdiraxmaan Xassan Cige oo ayaa sheegay in dagaalkaa shalay uu hal qof kaga dhintay dhinacooda,
shan kalena kaga dhaawacmeen, kuwaasoo uu tilmaamay in la geeyay Cusbatalka magaalada Boorama. Suldaan Cabdiraxmaan Xassan Cige,
waxa uu sheegay in dagaalkaas oo ay dhowr jeer labada kooxood isku waajaheen isla shalay uu ka dhacay deegaamada Boodhka, Saameel
iyo Ilimaha oo dhamaantood ka tirsan deegaanka Ceel-berdaale oo u dhexeeya Gabiley iyo Baki. “Lixdii subaxnimo (shalay) ayay
dhinaca kale weerar soo qaadeen, dabadeedna labada Ciidan sidaa ayay isku haleeleen. Xabaddu waxay is-taagtay Sagaalkii subaxnimo,
waana la kala tagay. Haddana qiyaastii 11:00 ayaa dagaalku mar kale ku bilaabmay, wuxuuna socday muddo lix ilaa todobada Saacadood
ah, wuxuuna dhamaaday xilli ay Lixdii galabnimo ku dhawdahay,” ayuu yidhi Sul. Cabdiraxmaan Xassan. “…Xaaladu imika way kacsan
tahay, Ciidan walibana halkiisii buu degen yahay,” ayuu raaciyay.
Dhinaca kale, ma jiro masuul dhinaca Gabiley ah oo si toos ah uga hadlay dagaalkaas. Hase yeeshee, Wararka aanu ka helayno labada
dhinacba ayaa sheegaya in Khasaaraha Nafeed ee dhimasho iyo dhaawac marka laysu geeyo labada dhinacba ay yihiin Saddex Dhimasho ah
iyo 14 Dhaawac ah. kuwaas oo loo kala qaaday dhinacyada Cusbatallada guud ee Gabiley iyo Borama.
Warku wuxuu intaa ku daray, in laba guuto oo ka kala tirsan ciidamada Milateriga iyo Booliska oo ka mid ah Ciidamo muddooyinkii u
dambeeyay labada dhinac kala dhex fadhiyay ay kala dhex galeen labadaa dhinaca ee shalay dirirtu dhexmartay. Waxa la sheegay in
Ciidanka laftooda uu hal askariga kaga dhaawacmay dagaalkaas.
Sannadkan oo keliya waxa jiray in dhowr jeer dagaal dhexmaray beelaha wada dega deegaamada Ceel-berdaale, iyadoo go’aan Guurtidu ka
soo saartay arrintaasna aanu dhinaca Xukuumadda ka fulin.
by Barkhad M. Kaariye
Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
Permalink > Somalia > News > hiiraan.com > 19 Sep 2009 > 2,132 characters > ref: 5754
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay
- Cumar Fiyaasko oo Caawa KM13 lagu dilay

