Ugu yaraan 15-qof ayaa ku dhintay 32-kalena way ku dhaawacmeen dagaalo iyo duqeymo xalay iyo maanta gilgilay Muqdisho, kuwaasoo u
dhexeeyay kooxaha islaamiyiinta ah iyo dowlada oo kaashanaysa AMISOM.
Dagaal aad u culus oo xalay ka dhacay waqooyiga iyo koonfurta Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 8-qof oo rayid ah, waxaana dagaaladaas
oo ay sheegteen Xisbul Islam iyo Shabaab ay ka dhaceen degmooyinka Hodan iyo Shibbis.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Hodan ayaa sheegay madaafiic fara badan ku dhaceen xaafadahooda, kuwaasoo jawaab u ahaa madaafiic
lagu garaacay xarumaha AMISOM ee Isgoyska KM-4 iyo kuwa dowlada Somalia.
"Waxaan arkay dhimashada 5-qof oo ay ku jireen hooyo, laba cunug oo ay dhashay iyo nin waayeel ah, wiil dhalinyaro ahna wuxuu ku
dhintay hoobiye ku dhacay gurigooda" ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafada African Village ee deg. Hodan.
Sidoo kale goobjoogahan wuxuu sheegay in madaafiicdii ugu badnayd ay ku dhaceen xaafadooda inta uu xusuusto, wuxuuna sheegay in
qoysaskii daganaa xaafadaas ay bilaabeen inay guryahooda ka cararaan saakay waaberigii hore.
Dagaal daba socday dagaalkii xalay ayaa maanta ka dhacay degmada Hodan, kaasoo ka bilowday markii ciidamada AMISOM ay isku
balaariyeen inta u dhexeysa KM-4 iyo jidka warshadaha, waxayna dagaaladu ka dhaceen Kuliyadii Jaale Siyaad, Warshada Caanaha iyo
weliba Fagaaraha tarabuunka.
Madaxda gaadiidka gurmadka ah ayaa sheegay in dhaawacyo halis u badan ay ka qaadeen goobihii lagu dagaalamay, iyadoo aan la ogeyn
khasaaraha kala gaaray dhinacyada uu dagaalku u dhexeeyay.
Saraakiisha Al-shabaab iyo kuwa AMISOM ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan dagaalada soo laalaabtay, kuwaasoo khasaaraha ugu badan ay
ka gaaraan dadka rayidka ah ee weli ku harsan degmooyinka Muqdisho.
Xiisadahan dagaal ee cusub ayaa daba socda dagaalo todobaadyadan ka dhacayay Muqdisho, kuwaasoo sababay inay dhintaan dad rayid ah,
halka in ka badan 100-qof oo shacab ahna ay ku dhaawacmeen.
Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
Permalink
> Somalia > News > slashnews.co.uk > 09 Sep 2009 > 1,944 characters > ref: 5708
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay
- Cumar Fiyaasko oo Caawa KM13 lagu dilay

