Ugu yaraan sagaal ruux oo rayid ah ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen weeraro madaaafiic ah oo shalay Muqdisho la isku
weydaarsaday.
Madaafiicda ayaa timid kadib markii xoogagga mucaaradku ay madaafiic ku duqeeyeen dekadda Muqdisho, halkaas oo lashaeegay in uu ku
soo xirtay markab shixnad meleteri siday.
Markabka ayaa la sheegay in ay galbinayeen dayaarado dagaal iyo maraakiib kale.
Lama sheegin wax madaafiic ah oo dekadda ku dhacay, waxayna dhammaantooda ku habsadeen xaafado kamid ah Xamar Jajab iyo Xamar
Weyne, halkaas oo dad ay ku dhinteen.
Madaafiic jawaab u muuqatay ayaa iyana ku dhacday xaafado kamid ah Wardhiiglay.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in xaafadaha madaaficdu ku dhacday ay ka qaadeen dad 15 kor u dhaafaya, kuwaas oo dhamaantood
dhaawacyo ahaa, waxaana dad goob joogayaal ah ay sheegayaan inay 9 ruux ku dhinteen weerarada.
Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaanan midkoodna ka hadlin weeraradaasi.
Jamaam Cismaan
Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay
Permalink > Somalia > News > slashnews.co.uk > 17 Aug 2009 > 959 characters > ref:
5607
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Cumar Fiyaasko oo Caawa KM13 lagu dilay

