Waxaa Caawa Kooxo Hubeysan ay kudileen KM13 Korneel Cumar Cali Calasow (Cumar Fiyaasko) oo kamid ahaa saraakiishii Ciidamada
dowladda.
Cumar Fiyaasko ayaa lagu soo waramayaa in kooxo aanan la garan ay kudileen KM 13 waxaana uu ahaa nin waayahani dambe u shaqeeya
Hey’ado Samafal.
Cumar Fiyaasko ayaa illaa iyo hadda dilkiisa aanan laga helin wax faah faahin ah waxaana kooxaha dilka geystay lagu soo waramayaa
in ay kudileen bastoolado iyaga oo goobtii dilka ay ka geysteenna ay isaga carareen.
Ma ahan sarkaalkani kii ugu horeeyay ee lagu dilo halkaasi iyadoo horey muqdisho iyo deegaannada ku xeeran lagu dilay saraakiil iyo
dad madax u ah hey’ado samafal kuwaasi oo kamid ah dadka waxtarka u leh bulshada Soomaaliyeed.
Cumar Fiyaasko oo Caawa KM13 lagu dilay
Permalink >
Somalia > News > slashnews.co.uk > 17 Aug 2009 > 728 characters > ref: 5606
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

