Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday in ay gurmad Ciidan u direen Guluf Colaadeed oo uu Hoggaaminayo
Xildhibaan Barre Hiiraale kaasi oo uu ku doonayo in uu dib gacantiisa ugu soo celiyo Magaalada Kismaayo oo Kol hore uu ka arimin
jiray.
Maamulka ayaa waxa ay sheegeen ujeedka Barre in uu yahay in uu kala dhantaalo, wiiqana Awoooda Nidaamka Islaamiga ah ee haatan ka
hanaqaaday guud ahaan Jubooyinka iyo Gedo, isla markaasina ay Muhiim tahay bay yiraahdeen in dagaal Jihaad ah lagala hortago Barre
iyo Maleeyshiyaadka uu horkacayo.
Madaxa Warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Ciidamo
Itoobiyaan ah oo uu garabsanayo Barre Hiiraale kuwaasi oo yoolkoodu yahay in ay xoog ku qabsadaan Goobaha ay haatan ka arimiyaan
Xoogagga Ururradda Islaamiga ah ee Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee warar na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo gurmad ah oo laga diray gudaha Magaalada
Kismaayo ay gaareen goobaha ay isku horfadhiyaan xoogagga islaamiga ah iyo Ciidamada uu horkacayo Barre Hiiraale, waxaana haatan
Magaalada Kismaayo siweyn looga hadal hayaa amuurtaasi iyadoona cabsi weyn laga qabo in Dagaallo ay dhexmaraan labadaasi dhinac.
Maamulka Islaamiga ah ee Kisnaayo oo gurmadyo ciidan u diray guluf colaadeed oo kaga imanaya Dagmada Doolow ee gobalka Gedo
Permalink > Somalia > News > slashnews.co.uk > 15 Aug 2009 > 1,256 characters > ref:
5597
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

