Dowladda Jibouti ayaa ciidamo ku biirin doonta Ciidamada Amisom ee howlgalka nabad ilaalinta ah u jooga Soomaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jibouti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa Magaalada Kampala ee dalka Uganda u tegay sidii uu wada hadallo ku
saabsan ciidamo dirista ula yeelan lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Sam Kutesa.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda oo lagu magacaabo Sam Guma ayaa sheegay in Dowladda Jibouti ay diyaar u tahay
sidii ay ciidamo ugu diri lahayd Soomaaliya, laakin afhayeenkan ma uusan faah-faahin tirada Ciidamada ah ee ay Dowladda Jibouti u
direyso Soomaaliya.
"Wasiirradu waxay shaaca ka qaadeen macquulnimada in Dowladda Jibouti ay Ciidamo ku biiriso Ciidamada Uganda iyo Burundi ee
howlgalka nabad ilaalinta ah u jooga Soomaaliya"ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda.
Hadda waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku sugan Ciidamo tiradooa ka badan tahay 5000 oo Askari, kuwaasi oo ka kala
socda Dowladaha Uganda iyo Burundi, iyadoo ay jirto in ciidamo kale oo dheeraad ah laga sugayo Dowladaha Nigeria, Malawi iyo Siera
Leone.
Dowladda Jibouti oo ciidamo u direysa Soomaaliya
Permalink > Djibouti > News > slashnews.co.uk > 15 Aug 2009 > 1,120 characters > ref: 5596

