Wasiirkii Warfaafinta Maamul Goboleedka Puntland Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Bannaanka) ayaa maanta lagu dilay Waqooyiga
Magaalada Gaalkacyo, iyadoo dilkiisana ay ka dambeeyeen rag hubeysan.
Wasiirka oo aan wadan wax ilaalo ah ayaa xilliga la tooganayay waxaa uu ka soo baxay maqaaxi lagu shaaho oo ku taalla Waqooyiga
Magaalada Gaalkacyo, waxaana dilkiisa geystay sida ay sheegeen dad goob-joogayaal rag hubeysan, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen
kaddib halkaas isaga tegay.
Wasiirka ayaa muddooyinkan ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo, wuxuuna halkaas u joogay arrimo ku saabsan nabadeynta Gobolka Mudug, gaar
ahaan Magaalada Gaalkacyo, waxaana dilkiisa si weyn uga naxay qoyskiisa, mas’uuliyiinta maamulka Puntland iyo weliba
asxaabtiisii.
Halka uu ka dhacay dilka Wasiirka ayaa waxaa soo gaaray Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland, kuwaasi oo sameeyay howlgallo ay ku
baadigoobayaan dadkii dilkaas ka dambeeyay.
Dilka Wasiirkii Warfaafinta Puntland ayaa wuxuu noqonayaa midkii ugu horreeyay ee loo geysto mas’uul heer wasiir gaarsiisan,
inkastoo ay jireen mas’uuliyiin maamulkaas ka tirsanaa oo siyaabo kala duwan loogu dilay deegaannada Puntland.
Wasiirkii Warfaafinta Warsame Cabdi Shirwac lagu dilay Waqooyiga Puntland
Permalink > Somalia > Politics > hiiraan.com > 05 Aug 2009 > 1,163 characters > ref: 5581
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

