Baahida loo qabo hingaad (Higgaad) -saxe afka-Soomaaliga iyo kaalinta uu ka cayaari karo horumarinta afka-Soomaaliga iyo weliba kaalmada uu ka geysan karo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Qoraallada laga helo internetka waxay ku qoran yihiin afaf kala geddisan (kala duwan), waxaana ugu badan afka-Ingiriiska. Bogagga ku qoran afka-Soomaaliga oo intooda badan la'xiriirra wararka Soomaaliya ayaa ku soo kordha Internetka maalin walba. Waxaa jirta in qoritaanka afka-Soomaaliga uu da' yaryahay taasina ay keentay in erayada (ereyada) si aanan sax ahayn loo qoro.

Waxaa jirta carruur Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibaddiisa iyo gudahiisaba oo aanan helin fursad ay ku bartaan qoraalka afka-Soomaaliga. Ummadda Soomaaliyeed intooda fursadda u hesha in ay akhristaan qoraal ku qoran afka-Soomaaliga waxay ka helaan Internetka.

Mozilla

Alifzilla waa higgaad-saxe afka-Soomaaliga oo loogu talagalay in lagu isticmaalo qoraallada gudaha (Inline) ee sahmiyaha Firefox (Browser:ka). Higgaad-saxahaan wuxuuna ka mid yahay barnaamijyada yaryar ee loo yaqaano Mozilla add-ons.

Higgaad-saxaha "Alif-Spellchecker" (caddadka ugu dambeeya) waxaa laga heli karaa bogga addons.mozilla.org. Hadii uu soo baxo caddad cusub waxaa laga ogaan karaa isla barnaamijka Firefox kudahiisa.