Shir jaraa'id oo uu 2 August,2009 xafiiska dhexe ee xisbiga Kulmiye ku qabtay Gudoomiye xigeenka 1aad ee Kulmiye Md. Muse Biixi
Cabdi ayuu ku sheegay in ay gabi ahaanba joojiyen wada shaqayntii ka dhaxaysay gudiga dorashoyinka ee Somaliland maadama oo buu
yidhi ay ka baxeen dhex dhexaadnimadii iyo garsoorkii ay u hayeen dhamaan dhinacyada ay ka dhaxayso doorashadu.
"Waxana uu sheegay in dhamaan xubnaha haatan ee gudida doorashooyinku ay yihiin kuwo lumiyay kalsoonidii ay ku qabeen bulshada
somaliland iyo dadka daneeya arrimaha dimuqraadiyada", ayuu yiri isaga oo saxaafada la hadlaya.
Shirka jaraa'id oo uu Muuse Biixi ka akhriyay qoraal ayaa halkaasi ka sheegay dhowr sababood waxana ka mid ahaa:
1. In Xisbiga Kulmiye taageersan yahay natiijadii ka soo baxday Server-ka .
2. Xisbiga Kulmiye inuu aad u diidan yahay go’aankii Komishanka Qaranku ku laalay liiskii cod-bixiyeyaasha ee ka soo baxay
Server-ka.
Maamulka Somaliland ayaa waxaa ka taagan muran aad u adag oo kala qabiyay dhaman hay'adihii kala duwanaa ee dawliga ahaa, kuwaasoo
noqdey dhinacyo iska soo horjeeda.
Dhinacyadaan ayaa kala ah kuwo taageersan in doorashada lagu galo toos oo ah diwaan gelin la'aan iyo halka dhinaca kale doonayaan
in la raaco natiijadii ay soo saartay hay'ada Inter Peace.
Somaliland ayaa horey ugu goodiyey in Somaliland uu ka hirgalin doono doorashooyin xisbiyo badan ka qayb galaan taas u muuqata mid
mamulka Riyaale ka cagajiidayo fulinteeda.
Maxamed Jamaal
Kulmiye oo joojiyey inuu la shaqeyo gudiga doorashada
Permalink > Somalia > Politics > garoweonline.com > 04 Aug 2009 > 1,485 characters > ref:
5568
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

