Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) iyo Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday
in ay seminar isugu keenayaan Saraakiil hore oo ka tirsanaa Ciidamadii hore ee Soomaaliya, kuwaasi oo ka arrinsan doona sida xal
nabadeed loogu heli karo dalka Soomaaliya.
Warbixin laga soo saaray Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in seminaarkaas
oo socon doona 1-5-ta August 2009 uu la xiriiro shir ay saraakiishan horay ugu soo yeesheen bishii June 2009 isla magaalada
Washington.
Saraakiishan ayaa inta ay seminaarka ku jiraan waxay doodi doonaan taariikhda Ciidanka Ammaanka Soomaaliya iyo sidii dib loogu soo
qaabeyn lahaa, loona xoojin lahaa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya
“Iyadoo la xoojinayo geedi-socodkii nabadeynta Soomaaliya ee Jibouti, tani waxay fursad u tahay Hoggaamiyayaashii Ciidamada
Mileteriga Soomaaliya in ay talo ku yeeshaan dib u dhiska Qarannimadii Soomaaliya”sidaasi waxaa yiri Wakiilka Xoghayaha guud ee
Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliay Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo seminaarkan qaabeyntiisa u jooga Magaalada
Washington.
Seminaarkan loo qabanayo Saraakiishii hore ee Ciidamada Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan go’aan wax ku ool ah
oo ku saabsan sida loo xasilin karo xaaladda dalka Soomaaliya oo muddo 19 sano ah qas iyo jaha-wareer ku jirta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis)
Qaar ka mid ah Saraakiishii hore ee Ciidamadii Soomaaliya oo todobaadka soo socda seminar ku saabsan amniga Soomaaliya loogu qabanayo Washington
Permalink > Somalia > Politics > hiiraan.com > 02 Aug 2009 > 1,437 characters > ref:
5556
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

