Dagaal muddo socday ayaa Maanta waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Zobe iyo Banaadir Ee Muqdisho kaasi oo u dhexeeyay
Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowlada Fd Soomaaliya
Dagaalka ayaa la xaqiijiyay in uu ka dhashay Ciidama hosyimaada Maamulka G/Banaadir oo dhac iyo baarasho kula dhaqaaqay gawaarida
maraysa inta u dhexeysa Jaamacada Umada iyo Zobe iyadoo ay goobtaasi soo weerareen askarta Maxkamadaha Dowlada ku biiray.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Maxkamadaha dowlada raacsan oo uu hoggaan u ahaa Maxmed Jimcaale Goobaale ay weerareen askarta
baarashada ku dhaqaaqday oo ku hoos shaqeysa C/fitaax Shaaweeye G/xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir.
Isku dhaca labada ciidan ayaa la sheegayaa in uu si rasmi ah saamayntiisa u dhashay ka dib markii Ciidamada Maxkamadaha Dowlada ku
biiray ay dileen laba ka tirsan askarta dowlada oo xiligaasi fal dinbiyeed ku guda jiray balse taasi ayaa waxaa ka danbeeyay
Ciidamadaasi oo wadada Isgoyska Zobbe loo galay ka dibna uu dagaalka balaartay.
Inta la ogyahay waxaa geeriyootay 5-ruux oo Saddex ka mid ah ay askarta dagaalantay ahaayeen waxaana dhaawac ahaa loo dhigay
isbitaalka Madiina 7-ruux oo rayid u badan.
Xaalada ayaa maanta ilaa caawa ah mid aad u kacsan iyadoo labada ciidan ay kala daganyihiin dhismaha Villa Baydhabo iyo Isgoyska
Zobbe taasi oo xilli waliba laga cabsi qabo in dagaalo ay dhexmaraan labada ciidan.
Isfahandarada labada Ciidan Ee Maxkamadaha dowlada raacsan iyo kuwa dowladii madaxweyne Yuusuf ka haray ayaa waxa ay sababtaa isku
dhac Ciidan taasi oo fashil ku ah in ay labadaasi Ciidan ka wada dagaal galaan Goobaha ay uga soo hor’jeedaan Islaamiyiinta
Mucaaradka ah.
Ciidamada Maxkamadaha Dowlada ku biiray iyo kuwa Maamulka G/Banaadir oo maanta dagaal ku dhexmaray Isgoyska Zoobe Ee Muqdisho iyo xiisad wali ka taagan halkaasi
Permalink > Somalia > News > slashnews.co.uk > 30 Jul 2009 > 1,657 characters > ref:
5548
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

