Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ee gobolka Sh-Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay cabsi ay
qabaan dadweynaha halkaasi ku dhaqan.
Arrintan ayaa waxaa ay ka dambaysay ka dib markii maanta diyaarado joog hoose ku duulaya lagu arkay gudaha degmada Baraawe ee
gobolka Sh/Hoose.
Cabsida ay dadku dareemayaan ayaa waxaa ay tahay talaabooyinka ay qaadi karaan diyaaradahan oo ah saddex nooca qumaatiga u kaca
(helikobtar).
Ma'ahan wax ku cusub gobolka Sh/Hoose in dadku ay arkaan diyaaradaha dagaalka oo dul heehaabaya qeybo gobolkaasi ka mid ah iyadoo
uusan jirin warar faah faahsan oo arrimahan la xiriira.
iyaarado joog hoose ku duulaya oo laga soo sheegayo degmada Baraawe ee gobolka Sh-Hoose
Permalink > Somalia > News > slashnews.co.uk > 30 Jul 2009 > 638 characters > ref: 5539
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

