Ciidamada taabacsan dowladda KMG ee Somaliya oo aad u hubeysan ayaa saakay qabsaday oo isku fidiyay Xaafado ku yaala galbeedka
magaalada B/weyne halkaasi oo ay ku sugnaayeen kooxaha ka soo horjeeda.
Saakay 26 June,2009 ayaa aroor hore waxaa laga war helay dhawaqa rasaasta noocyadeda kala duwan waxana la xaqiijiyay in weerar saf
balaran ah lagu qaaday dhinaca Galbeed ee Magaalada B/weyne oo ay ka talinayeen Kooxaha Mucaaradka.
Ilaa 3 ka tirsan maleshiyadka tabacsan dowlada aya la xaqiijiyay inay ku dhawacmen dagaalkan saakay kuwaasi oo la geeyay Isbitalka
magaalada wallow aan la ogeyn dhinaca kale khasaaraha kasoo gaaray weerarkaasi.
Dad xog’ogaal ah ayaa waxaa ay shegayaan in ciidamadaan wada qabsadeen guud ahaan magaalada waxana ay intaas ku dareen in Kooxahii
ka soo horjeday dowlada ay ka baxeen fariisamahoodii.
Ciidamadan oo watey dharka tuutaha aya u muqdey kuwa tababar kusoo dhameystey xadka u dhexeeya Somalia iyo Ethiopia madaama
deganada u dhexeya Baladweyne & Muqdisho ay ka arimiyaan mucaaradka dowlada kasoo horjeda islamarkaana aysan ka soo qaadi karin
duulaankaan.
Xildhibaan Maxamed Dhaqane Cilmi Aar oo ka mid ah Mas'uliyiinta Dowladda ee ku sugan haatan magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu
sheegay in ciidamadaan uu horkacayo General Muqtaar Xuseen Afrax ay ku dhaqaaqeen xaafadaha Galbeed ee magalada waxaana uu tilmamay
in haatan ay gacanta ku hayaan guud ahaan.
Ciidamada taabacsan dowlada ayaa u badan Maleeshiyaad aan u hogansamin awaamiirta madaxdooda taasoo sahasha in kooxaha mucaaradka
ah dib u qabsadaan goobahaan.
Maleshiyad tabacsan dowlada oo qabsadey B/weyne
Permalink
> Somalia > News > garoweonline.com > 27 Jul 2009 > 1,566 characters > ref: 5524
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

