Waxaa goor dhawayd dib u qarxay dagaaladii ka socdey Magaalada Muqdisho, dagaalka ayaa hadda ka socda qaybo ka mid ah Degmada
Kaaraan iyo Cabdicasiis, dagaalka ayaa ah mid culus oo kooxaha ka soo horjeeda dawladda ay doonayaan in ay kaabiga ku qabtan aqalka
Madaxtooyada.
Dagaalkii shalay ayaa gelinkii danbe ku fidey goobo deganaa maalmihii la soo dhaafey sida Xaafadda Hodan oo uu ka dhacay dagaal
kharaar inkasta oo labada dhinac wax horumar ah ka samayn, waxaana madaafiic lagu garaacay meelo ka mid ah Hawlwadaag.
Dagaalkii shalay ka dhacay degmada Kaaraan iyo Shibis oo ahaa mid aad culus ayaa Alshabaab Almujaahidiin iyo Xisbul Islaam ay
sameeyeen horuymar ay ku soo rixeen ciidamada Dawladda, kadib markii ay heleen ciidamo badan oo gurmad ah, waxaana u suurta gashey
in ay shalay dib u qataan rag lagu sheegay in ahaayeen ajaanib oo dagaalkii Arabacadii kaga dhintey.
Inta la ogyahay dagaalkii shalay waxaa ku dhintey 20 qof, waxaana isbitaalada magaalada buux dhaafiyey dhaawac aad u badan, kuwaan
oo u badan dad rayid ah.
Dhanka kale ciidmada AMISOM ayaa maanta sugaaya go’aan u ogolaanaya in ay dagaalka qayb ka noqdaan isla markaasna weerar qaadi
karaan, maadaama go’aanka hadda ay ku joogaan aanu u ogolaaneynin in ay qaadaan wax weeraar ah.
Dagaalkii Muqdisho oo Dib u Bilowdey
Permalink >
Somalia > News > slashnews.co.uk > 03 Jul 2009 > 1,263 characters > ref: 5441
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

