Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dagaalkii gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir lagu
laayay ciidamo badan oo katirsan kooxaha mucaaradka.
Ciidamadaasi ay laayeen kuwa dowladda ayaa lasheegayaa in ay kujiraan kuwa ajaanib ah waxaana meydadkooda qaar gacanta kudhigay
ciidamada dowladda oo doonaya in ay warbaahinta u soo bandhigaan.
Sababta keentay in la laayo kooxaha mucaaradka ayaa ah kadib markii dhinacyada xaafadaha ay kasoo galeen ciidamada dowladda taasi
oo sababtay in kooxaha mucaaradka oo isugu jira xisbul Islam iyo shabaab ay xaafado kale ku
cararaan kadibna luuq luuq looga soo baxay sidaasina lagu laayay maadaama aysan xaafadaha kala aqoonin.
Meydad kale ayaa lasoo sheegayaa in uu yaallo waddooyinkii shalay lagu dagaalamay halkaasi oo ay isku horfadhiyaan labada dhinac
iyadoo dhinac walibana ay doonayaan in ay la wareegaan meydadkaasi oo ay kujiraan kooxo ajaanib ah.
Kooxaha Mucaaradka oo aad loogu laayay Dagaalkii shalay
Permalink > Somalia > News > slashnews.co.uk > 02 Jul 2009 > 932 characters > ref: 5437
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

