Duqeymo Xoogan oo sababay dhaawac dad rayid ah ayaa Galabta loo geystay gudaha iyo Hareeraha Suuqa weyn ee Bakaraaha ee Magaalada
Muqdisho.
Ilaa dhowr Madfac ayaa waxaa ay ku soo dhaceen Galabta Gudaha iyo Hareeraha Suuqa Bakaaraha kuwaas oo Qasaare u geystay dadka
Rayidka ah ee u soo ganacsi doontay gudaha Suuqa Bakaaraha.
Madaafiicda oo ahaa kuwa is xig xigay ayaa la ogeyn halka rasmi ahaan ay ka yimaadeen, Waxaana mid ka mid madaafiicdaan oo ku
dhacay inta u dhaxeysa Wadada Koowaad iyo wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha uu sababay dhaawac Qof rayid ah.
Madaafiicdaan ayaa waxaa ka horeeyay kuwa kale oo iyana lagu garaacay Isgoysyada Baar Ubax iyo Black Sea halkaasi oo ay ku
dhaawacmeen ilaa 5-qofood oo rayid ah.
Waxii qasaarahaasi ku soo kordhaa kala Soco Shabelle.net Hadii Uu Ilaah Inoo Saamaxo.
Suuqa weyn ee Bakaraaha ee Magalada Muqdisho oo duqeyn ku socot
Permalink > Somalia > News > slashnews.co.uk > 26 Jun 2009 > 811 characters > ref: 5411
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

