Waxaa dhamaan macaamiisha iyo dadweynaha soomaaliyeedba loogu bishaaraynayaa in ay midoobeen labada shirkadood ee amal iyo hillaac taasoo fursad weyn u ah dhamaan macaamiisha labada shirkadoodba iyo dadweynaha soomaaliyeedba.

Sidoo kale magaca ay labada shirkadood qaateen oo ah amal express waxay u balan qaadaysaa macaamiisha iyo wakiilada shaqo hufan iyo adeeg dabacsan sidii horey looga bartay.

Dhamaan shaqooyinkii bankiga iyo xawaalada ee hillaac express waxay hoos iman doonaan amal express dubai. Sidoo kale mashaariicda dhismaha ee amal express soomaaliya waxay hoos iman doonaan hillaac real-estate