Sunday, November 28, 2004 at 05:51
Garoowe (AllPuntland)- Shirkii uga socday Issimada Puntland ee uga socday Xarunta Cilmi barista PDRC ee Magaalada Garoowe ayaa
manta Issimadu waxay soo saareen Bayaan Nabadeed oo ku aadan Ciidamada isku horfadhiya Gobolka Sool.
Sidoo kale iyadoo uu dhammaaday waqtigii loo qoondeeyey inuu socdo shirka issimadu welina aysan muuqan inuu soo gebo geboobayo ayaa
sarkaal sare oo ka mid ah Hayadda PDRC sheegay inay wadi doonaan kaalinta kaga aadan Hawl fududayna shirka mudada uu socdo intii ay
doonto ha qaadatee.
Bayaanklaan oo ay ku saxiixnaayeen Magacyada Issimada shirku u socdo ayaa u qornaa sidan.
Ujeeddo:- Baaq Nabadeed.
Annagoo ah Issimada Puntland ee ku shiraya Garoowe ayaan waxaan soo jeedinaynaa Baaq nabadeed oo ku saabsan Xiisadda Siyaasadda iyo
Tan Millatari ee dhextaal Puntland iyo Somali land.
Annagoo ka duulayna Baahida loo qabo Xasiloonida, Nabadgelyada iyo derisnimada labada Gobol iyo labada Shacab ee walaalaha
ah.
Annagoo tixgelinayna lagama maarmaanimada in laga hortago dhiig qubta iyo dagaal waxa aan labada maamul iyo labada Shacab ee
walaalaha ah ugu baaqynaa .
1. In Dagaalka la joojiyo oo aan Dagaal dambe ka dhicin Gobolada Sool iyo Sanaag.
2. Waxaan soo jeedinaynaa in ciidamada lagu kala celiyo Fariisimadoodii Dagaalka ka hor.
3. In labada maamul ku dhammeeyaan Khilaafka ka dhexeeya hab wada hadal Nabadeed ah, lagana Fogaado wixii keeni kara Dagaal. Waxaan
mar kale idin xusuusinaynaa Oraahdii ahayd Dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho
4. Annagoo ah Hogaamiye Dhaqameedyada Puntland waxa aan Gogol Nabadeed mar labaad u fidinaynaa Hogaamiye dhaqameedyada
Soomaaliland, waxaanu diyaar u nahay inaanu annagu u tango haddii ayna iyagi imaan Karin Puntland si looga wada hadlo dhibaatada
taagan.
5. Waxaan soo jeedinaynaa in Maamulka Puntland Maxaabiista uu hayo ku wareejiyo Hayadda ICRC, sidoo kalana in Maamulka Soomaali
land maxaabiista uu hayo uu ku wareejiyo isla Hayaddaasi ICRC si la isu weydaarsado.
Waxaan Eebe ka rajaynaynaa in baaqaan la ajiibo,
Wabillaahi Tawfiiq.
Waxaa ku saxiixnaa Isimada Shirka u fadhiya oo 50 xubnood kor u dhaafayay.
Garoowe: Bayaan Nabadeed oo laga Soosaaray Shirkii Isimada Puntland
Permalink > Somalia > Politics > allsomalianews.com > 27 Nov 2004 > 2,155 characters > ref:
1045
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

