Axad, November 14, 2004 (HOL) - Munaasabadda Ciida Soon fur ayaa weyneynteeda si aad ah loogu kala qeybsamay magaalooyin iyo
deegaanno ka mid ah dalka Soomaaliya oo ay Caasimadda Muqdishana ka mid tahay.
Sidaa si la mid ah ayaay shalay iyo maanta laga kala ciiday magaalooyin badan oo ku kala waqooyinga America iyo Yurub.
Deegaano dhowr ah ayaa shalay laga ciiday, iyadoo dad aad u badanna ay oogeen Salaadda Ciidda Soon Fur, halka kuwo kalena ay
gaashaanka ku dhufteen in ay Soonka furaan, iyagoo u soo daliishanayay Soonka ay baaqiga ku sii ahaayeen in aysan arkin bishii Soon
fur.
Masjidyo waa weyn oo ku yaalo magaalada Muqdisho iyo Garoonka K/cagta ee Stadium Mogadishu ayaa lagu tukaday shalay Salaadda Ciidda
Soonfur, waxaana aad u badnaa dadkii shalay ciiday Magaalada Muqdisho, halka maanta ay ciideen dad aad u yar.
Haddaba iyadoo uu jiro khilaafka la xiriira bilashada bilaha Soonka iyo Soon Furka ayaa waxaa caawa la xaqiiqsaday in ay saxnaayeen
dadkii Sabti Ciiday waayo waxaa la arkay bishii Soon-fur oo leh muuqaal 3 ah, taasina waxay ku kaliftay kuwii shalay Soonnaa iyadoo
maalin Ciid ah in ay yiraahdaan "Bishu waxay ahayd Gar-dhalad, waa labo, annaga ayaana saxneyn", waxayna dadka dooddaas qaba ay
maanta ku ciideen deegaano ka tirsan magaalooyinka Muqdisho, Qardho, Badhan, Garowe, Jowhar iyo meelo kale oo ka mid ah dalka
Soomaaliya.
Tani waxay Ayaan-darro weyn ku tahay Ummadda Soomaaliyeed oo 100% Ahlu Sunna ah, waayo waxaa loo baahnaa in ay hal maalin wada
Soomaan, isla markaana ay maalin qura wada afuraan ama wada Ciidaan, balse haatan taasi ma muuqato, waxayna dadka ku kala dheggan
yihiin oo ay si weyn u aaminsan yihiin amarro marka la gaaro bilaha Soonka iyo Soon Furka ka soo fula Shuyuukh is-bar bar yaacaya
oo ku kala abtirsada Urur Diimeedyo aad isaga soo horjeeda, kuwaasi oo khilaafka u dhaxeeya uu saameyn ku yeelanayo cibaadada Alle,
waxaana taasi marag muujin kuugu ah in ay maalin ciid ah dadka afuriyaan, maalin Soon ahna ay dadka Soor siiyaan.
Maxaabiis la sii daayay Fadliga Ciidda Soonfur Aawfgeed
Dhanka, kalena, Munaasabadda Ciidda Soon fur darteed waxaa la sii daayay maanta iyo shalay maxaabiis ku kala xirneyd Xabsiyo ku
yaala magaalooyinka Muqdisho, Marka iyo Boosaaso, kuwaasoo ku kala eedeysnaa fal dembiyeedyo ay ka mid yihiin dilal ay geysteen,
Burcadnimo iyo Caasi Waalidnimo, waxayna mas'uuliyiinta xabsiyada laga sii daayay maxaabiistaas ay sheegeen in ay nasiib wanaag ku
soo aadeen maxaabiistan maalin ciid ah oo markaasina uu u dhamaaday xabsigii ay ku xukunnaayeen.
Ilmo Ciidayay oo Bam isku qarxiyay
Sidoo kalena, weli waxaynu ku dhex jirnaa dhacdooyinkii Ciidda`e, waxaa maanta iyaga oo ciidaya Bam isku qarxiyay Carruur Kubad ku
ciyaareysay agagaarka Baarkii Liido ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu Bambada ku qarxiyay wiil doonayay in si qasab ah loogu daro
kooxaha Kubadda ciyaarayay, kaasi oo markii loo diiday in lagu daro Cubtanka ciyaarta kadib Bambadii qarxiyay, waxaana sida wararku
nagu soo gaarayaan uu qaraxaasi waxyeeleeyay shan ka mid ah carruurtii Kubadda ciyaari lahayd oo uu ku jiro midkii Bambada
qarxiyay.
Dhacdooyinka ceynkan oo kale ah ma ahan kuwo ay dadka Muqdisho la yaabaan marka ay maqlaan waayo waxay dhacayaan falalkaan iyadoo
uu shacabku gacanta u galay hubka sida ba'an wax u baabi'iya, horayna waxaa loo xusuusan yahay in dad ku nool degmooyinka Deyniile
iyo Huriwaa in ay waxyeelo uga soo gaartay Qoryo waa weyn oo ay lahayd dowladdii Mileteriga ahayd kadib markii ay dadkaasi isku
dayeen in baalal ay lahaayeen madaafiicdaas ay ka sameystaan baafaf ay dharka ku dhaqdaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
E-mail: sxiis@hiiraan.com
Muqdisho oo shalay iyo maanta laga kala ciiday
Permalink
> Somalia > Society > hiiraan.org > 16 Nov 2004 > 3,707 characters > ref: 1004
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

