Gen. Maxamad Xaashi Gaani oo ka mid ahaa xildhibaanada 275-ka ah ee dhawaan lagu dhisay Dalkan Kenya ayaa Maalintii Isniinta
Meeydkiisa laga soo saaray Halka uu deganyahay oo ah Mbagathi, sida ay HOL u xaqiijiyeen qaar ka mid Xildhibaanada Somaliyed lama
oga sababta dhabta ah ee ka dambeeysay geerida Marxuumkan amaba wax xanuun ah oo hore, Booliska Dalkan Kenya ayaa wada Baaritaan si
loo xaqiijiyo sababta ka dambeeysay geerida Marxuumka hadiiba ay sababi jirto.
Tan iyo markii la dhisay golaha Baarlamaanka KMG ayaa waxaa Baarlamaanka ka geeriyooday sedax Marxuum, Marxuum Faarax oo 15-kii
Sebtemper ku geeriyooday Nairobi, Marxuum Xassan Cabdulle Qalaad oo 29-kii Sebtemper ku geriyooday Wadanka Imaaraadka Carabta Walow
anan la dhaarin Marxuum Qalaad, Marxuum Maxamad Xaashi Gaani oo 18-ka October ku geeriyooday Magaalada Nairobi, Marxuumadaan oo
dhamaantood kala dambeeyey oo kaliya wax ka yar 15, cisho ilaahey ha u wada naxartiistee.
Gen. Gaani waxaa aad loogu xasuustaa dhibaatooyinikii ka dhacay waqooyiga Soomaaliya markii uu halkaas ka ahaa Taliyaha Ciidaanka
Soomaaliyeed ee qaybtii 26naad ee dowladdii Maxamed Siyad Bare.
Maryan Maxamuud (Qalanjo)
Hiiraan Online.
E-mail: Qalanjo@hiiraan.com.
Gen. Maxamed Xaashi Gaani oo Geeriyooday
Permalink >
Somalia > News > hiiraan.org > 20 Oct 2004 > 1,254 characters > ref: 822
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

