By Y.C.Qammaan Posted to the web 20-09-2004, 12:40:06
Dhoobley:-G/kuxigeenka Jabhada SPM Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa Galabnimadii Axada ka soo degay Garoonka
diyaaradaha ee Magaalada Dhoobley ,isagoo hogaaminaya Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan Jabhada SPM,Waxaana halkaas ku soo dhaweeyey
Duqa Magaalada Dhoobley Xayi Barqadle iyo mas'uuliyiin katirsan Beesha Absame.
Waqti-yar Dabadeed G/kuxigeenka iyo wafdigii uu hogaaminaayey ayaa ka qayb- galay Aasitaan lagu aasayey Haweeney 82 jir oo
maalintii jimcaha ay dhaawac u geysteen Ururka Al-itixaad ee ku soo duulay Degmada Dhoobley kadib markii haweneydaasi ay u dhimatay
Dhaawacaas.
G/kuxigeenka Jabhada SPM Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan oo ay horkacayaan Duqda Degmada Dhoobley Xayi Barqadle iyo masuuliyiin kale oo
katirsan dadka degaanka ah ayaa waxay marsiiyeen G/kuxigeenka Dhamaan Goobihii Maleeshooyinkii Al-itixaad ee kasoo duulay Marka iyo
Muqdisho ay ugeysteen dadka Deegaanka Dhoobley.
Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa isla galabnimadii ka jeediyey khudbad aad u dheer meel fagaare ah oo ay isugu soo baxeen dadka
Deegaanka Dhoobley hadalada carabkiisa ka soo baxayna waxay u dhaceen sidatan"Anagu hadaan nahay masuuliyiintii Jabhada SPM aad
baan uga xunahay dhibaatada loo geystay shacabka aan masuulka ka nahay,waxaanse ku faraxsanahay sidii geesinamada lahayd ee
Ciidamada Deegaanku ay isaga dulqaadeen dhibkii loo gestay, waxaana farayaa dadka inay ilaahay usabraan wixii ka soo gaaray
dhibaatadii dad iyo maalba laheyd ee lagula kacay.Waxaan usheegaynaa cid walba uu ku soo duushay Jubaland inaanu Gorgortan aanu
kala gelikarin deegaanada Jubaland iyo Baardheeraba waa sida uu hadalka u dhigaye".
G/kuxigeenka Jabhada SPM Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan iyo saraakiil kale oo la socota ayaa maalinta Beri ah oo ay bishu tahay
(20/9/04) lagu wadaa inuu booqasho ku maro Degmooyinka Afmadow iyo xagar.
Dhinaca kale wariyaha Puntlandpost u fadhiya Deegaanka Dhoobley ayaa u sheegay Warsidaha Puntlandpost in Col.Barre Hiiraale oo ka
tirsan Maleeshiyada Dooxada Jubba ee ka soo hayaamay Deegaanada Gal-gaduud uu khadka taleefanka uu kula xiriiray Duqa Degmada
Afmadow isagoo uga tacsiyeey dhibaatooyinkii ay maleeshiyadoodu ugeysteen Dadka deegaanka dhoobley,wuxuuna Bare Hiiraale ka
dalbaday Duqa magaalada Dhoobley Md,A/risaaq Cusmaan Maxamud inay ku martiqaadaan isaga iyo odayaasha Beesha Absame Magaalada
Kismaayo.
Duqa Magaalada Afmadow Md,A/risaaq Cusmaan Maxamud ayaa ku gacansayray codsiga Bare Hiiraale isagoo ugu baaqay marka hore in
wadahadal uu ku imaankaro oo kaliya iyagoo kala baxa Deegaanada Jubooyinka Maleeshiyda laga soo jafjafay Gobolada Galgaduud
,Hadalkaasna uu aad uga xanaajiyey Col. Barre Hiiraale.
Wuxuu kaloo noo xaqiijiyey wariyaheenu in dagaalo ay ka dhaceen Maalintii Axada Deegaanada Cabdala Biroole iyo agagaarka buulo
xaaji halkaasna loogu awood sheegtay Ciidamada ka soo hayaamay Muqdisho marka iyo gobolada gal-gaduud.
Ciidamada Deegaanka Jubooyinka ee uu horkacayo Gen,Maxamed Saciid xirsi "Moorgan" ayaa dagaalkan dhacay maalintii Axada u geystay
maleeshiyooyinkan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba tiro cadadeedu le'egtahay 28 qof iyo labo baabuur oo teknikada ay
wateena ay la qaraxday Miinooyin dhulka loogu xabaalay.
Yuusuf Cali Qammaan
Puntlandpost,Dhoobley,Soomaaliya
G/kuxigeenka Jabhada SPM Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan iyo saraakiil kale oo soo gaaray Degmada dhoobley.
Permalink > Somalia > Politics > puntlandpost.com > 19 Sep 2004 > 3,361 characters > ref:
645
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

