Siciid Cali Muuse
BBCSomali.Com
Ninkii Soomaaliga ahaa ee lagu afduubtay dalka Ciraaq, Cali Axmed Muuse, ayaa la sii daayey waxana uu hadda soo gaaray oo
uu joogaa dalka Kuwait.
Cali Axmed Muuse oo 52-jir ah ayaa bishii la soo dhaafay ee July 24-dii waxay dabley ku afuubteen dalka Ciraaq, meel 200 oo Km
dhinaca Woqooyi ka xigta magaalada Baqdaad.
Muxuu qabanayey Cali?
Cali Axmed waxa uu waday baabuur weyn oo dalka Kuwait laga leeyahay, halkaas oo ahayd meeshii uu markii horeba ka tegay.
Waraysi ay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du la yeelatay ayuu ku sheegay in uu ka mid ahaa wadeyaashii dhowr baabuur oo wada socday,
baabuurkiisuna ugu dambeeyey, halkaas oo rag hubaysani ay baabuur yar ku gudbeen oo ay joojiyeen, dabadeedna indhaha ka
xireen.
Sida loo kaxaystay iyo waxa lagu xakumay
Cali Axmed waxa uu sheegay in qafaalashiidiisa kaddib baabuur xaggiisa dambe lagu riday, dabadeedna guri la geeyey, halkaas oo
subaxnimadii dambe uu ka soo toosay.
Hal habeen kaddib ayuu sheegay Cali Axmed in maxkamad la saaray, wuxuuna yir, "maxkamaddii ayaa dil igu xukuntay."
"Dad badan ayaa maxkamadda joogay," ayuu yiri, "laakin ninkii i xukumayey ayaa ugu weynaa, isla markaana lahaa gar weyn."
Waxa uu sheegay Cali Axmed in uu aaminay in ay u dhammaatay oo la dilayo.
Sidii loola dhaqmay
"Intii aan guriga ku jiray indhaha wey ii furnaayeen, waxaana deggenaa qol iftiin leh," ayuuu sheegay Cali.
Waxa uu sheegay Cali Axmed in markii hore ee la qabtay mooyaane, intii kale si fiican loola dhaqmay, dhib weynna aanu soo gaarin.
Xaggana cuntadana waxa uu sheegay Cali in la siin jiray wixii ay cunayeen oo laakin aanu iyaga cuntada la cuni jirin.
Maxay cuntada ula cuni waayeen?
Sababta ay cuntada ula cuni waayeen ayuu Cali Axmed ku sheegay in ay ahayd in ay u arkayeen mar haddii uu gaalo la shaqeynayo in uu
isagana gaal kale yahay, taas ayaana keentay buu yiri in ay cuntada igu takooraan oo aanay xitaa salaadda la tukan jirin.
Waxa uu sheegay in uu u arkaayey raggaasi afduubtay in ay ahaayeen Ciraaqiyiin, kuwaasoo sida uu sheegay uu ka dareemayey in ay
doonayaan in ay la dagaallamaan dawladaha dalka haysata iyo dawladda ku-meel-gaarka ee Ciraaq.
Codsiyada soo sii deyntiisa
Nimankii afduubtay Cali Axmed waxay u sheegeen in Somalia, Djibouti iyo Eritrea lagala soo hadlay, si loo soo daayo oo ay sidaas
awgeed u saamaxeen. Waxayse uga digeen in uusan Ciraaq ku soo noqon, isaga iyo dadka Soomaalida ah iyo baabuurtooda toona.
Soomaaligii Ciraaq ku afduubnaa oo la sii daayey
Permalink
> Somalia > News > bbc.co.uk > 06 Aug 2004 > 2,500 characters > ref: 310
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

