Mbagathi(Allpuntland)-Iyadoo kulankii 9aad ee Wasiirada Fududaynta IGAD oo dhowaan ku soo gabagaboobey madasha
shirka dib u heshiiisiinta Soomaalidu ka socdo ee Mbagathi ay kaga dalbanayeen in beelaha Soomaalida ee aan weli soo gudbin
xubnihii baarlamaanka ay ku soo gudbiyaan muddo laba maalmood ah ,ayaa waxaa maanta ka socdey madasha shirka ee Mbagathi kulammo
kala goonni goonni ah oo ay yeelanayeen beelo ka tirsan kuwa Soomaalida si ay arrimaha laga codsanayey u fuliyaan,maadaama waqtiga
u harsan beelaha ee la doonayo in lagu dhaariyo xubnaha baarlamaanka oo dhammaystiran ay ka harsan tahay 12 maalmood oo keliya oo
ku beegan 19ka bishaan.
Beesha Harti oo kulan ay isugu timid oo ku qaybsan lahaayeen xubnihii baarlamaanka dib ugu dhigtay maalinta Isniinta
ah
Mbagathi: Ergada beesha Harti oo ka tirsan beelaha Daarood ayaa saaka waxay kulan isugu yimaadeen madasha shirka
Mbagathi,kulankaas oo ay kaga wada arrinsanayeen sidii ay u qaybsan lahaayeen xubnihii baarlamaanka ee ay saamiga u heleen.
Kulankaas ayaa waxaa ka soo qaybgalay hoggaamiyeyaasha siyaasadda ,kuwa dhaqanka iyo ergada beeshaas ,waxaana kulankoodaas uu mar
kale dib ugu dhacay maalinta Isniinta ah ee foodda inagu soo haysa ka dib markii ay isla garteen in laga warsugo rajo ay dhammaan
beelaha Soomaalidu ka qabaan in xubno dheeraad ah loogu daro xubnihii hore ee la qorsheeyey ,iyadoo uu horay markii uu socdey
kulankii Wasiirada ayna la kulmayeen beesha Daarood uu madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Yuusuf ka codsaday Wasiirada IGAD iyo
Guddiga Fududaynta IGAD in beelaha Soomaalida mid kasta loogu daro 7xubnood oo dheeraad ah ,si loogu kaabo beelaha wax tabanaya iyo
weliba haweenka Soomaaliyeed oo aan xaquuqdoodii si buuxda u helin oo aan aad uga dhex muuqan xubnaha ay beeluhu iska soo xuleen
.
Arrintaas oo ay Wasiiradu u riyaaqeen balse aanay jawaab ka bixin ayaan la xaqiijin karin in xubno dheeraad ah lagu dari doono
tiradii 275ta ahayd ee hore loo qorsheeyey iyo in kale,balse waxay beeluhu quudaraynayaan in ay muhiim tahay in loogu kordhiyo
xubnahaas 7da ah beel kasta.
Beesha Jareer Weyne oo qaybintii Xubnohoodii Baarlamaanku ay u gudubtey Guddiga Fududaynta IGAD ka dib markay heshiin
waayeen
Mbagathi: Beesha 5aad (Others) oo markii horeba ku heshiin waayey inay dhexdooda ka qaybsadaan xubnihii
baarlamaanka ee ay saamiga u heleen oo ay ugu danbayntii u qaybiyeen Guddiga Xallinta Khilaafaadka beeluhu ayaa waxay ku
guulaysteen intooda badani inay u gudbiyaan magacyadii xubnihii uga mid noqon lahaa baarlamaanka ee loo qaybiyey marka laga reebo
beesha Jareer Weyne.
Haddaba maanta ayaa waxaa kulan gaar ah ku lahaa madasha shirka Mbagathi ergada beesha Jareer Weyne iyo Guddiga Fududaynta IGAD
,iyagoo ka wada hadlayey sidii loo midayn lahaa labo liis oo ay kala gudbiyeen siyaasiyiinta iyo duqowda dhaqanka ee
beeshaas.
Mid ka mid ah siyaasiyiinta beeshaas oo aan doonayn in la magacaabo ,oo aan la kulmay isla markaana wax ka weydiiyey waxa ay
Guddiga Fududaynta IGAD kala hadlayeen iyo waxa ay isla meel dhigeen ayaa waxa uu yiri annaga arrintii waa naga wareegtay oo
Guddiga Fududaynta IGAD ayaa noo caddaysay inay go'aan ka gaarayaan labada liis ee aanu kala gudbiney iyaga ayaana soo qoraya hal
liis oo kama danbays ah.
Beesha Eelaay oo ka cabanaysa wax isdaba marin iyo wax ka bedel lagu sameeyey xubnihii baarlamaanka ee jifadaas oo ay ku
eedeeyeen mid ka mid hoggaamiyeyaasha RRAda
Mbagathi: Nuqul ka mid ah qoraal uu ku saxiixan yahay malaaqa beesha Eelaay Malaaq Guudoow Caliyoow Eenoow oo ka
tirsan malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle oo soo gaarey Allpuntland.com ayay waxay kaga cabanayaan in beesha Eelaay uu mid ka mid
ah hoggaamiyeyaasha RRAda oo aysan magacaabin kula kacay qaladaad iyo faragelin la xiriirta soo gudbinta xubnihii ay jifadaasi
saamiga u heshay oo ka kooban 3 xubnood, ka dib markii uu bedelaad ku sameeyey waa sida ay hadalka u dhigeene 2 ka mid ah kuwii ay
soo magacaabeen oo 2 kale booskoodii geliyey.
Magacyada ay jifadaasi u gudbisey xafiiska IGAD oo isagana mid ka mid ah qoraalkii ay ku magacaabeen uu bogga Allpuntland soo
gaarey ayna ku saxiixnaayeen Shariif Saalax iyo Cabdalla Deeroow oo ogolaaday iyo malaaqa oo soo gudbiyey ayaa waxaa ku qornaa in
beeshu ay soo xushay magacyadaan:
1-Mr.Cabdi Xaaji Yariis
2-Mr.Cabdulqaadir Qaasim Mursal
3-Mr.Cabdullaahi Macallin Maxamed
Hase yeeshee mar aan weydiiyey bal cidda ay sheegayaan in la bedelay iyo kuwa lagu bedelay ayaa mid ka mid ah ergada jifadaas uga
qaybgelaysa shirka waxa uu ii sheegay in hoggaamiyahaas ka tirsan RRAdu uu bedelaad ku sameeyey labada nin ee la kala
yiraahdo
Cabdulqaadir Qaasim iyo Cabdullaahi Macallin ,iyadoo ayuu intaa raaciyey Cabdulqaadir Qaasim oo hore loo magacaabay lagu bedelay
Ibraahim Cabdullaahi Cismaan ,halka Cabdullaahi Macallin oo isagana hore loo magacaabay la geliyey booskiisii Fawsiyo Maxamed
Sh.Xasan.
Qoraalkaas ayay ii sheegeen inay u gudbiyeen Guddiga Fududaynta IGAD ayna jawaab ka sugayaan loona baahan yahay in jifadayada naloo
madax banaaneeyo cidda aanu soo xulanay.
Iimaan Cali Cabdi
Allpuntland,Nairobi,Kenya
Mbagathi: Wararkii ugu danbeeyey ee shirka Soomaalida iyo maanta
Permalink > Somalia > News > allpuntland.com > 06 Aug 2004 > 5,134 characters > ref: 309
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

