Wararka naga soo gaaraya degaanka Puntland ayaa sheegaya in mid ka mid ah beelaha dega nawaaxigaasi ay maanta kaga dhawaaqeen
maamul goboleed cusub oo la magac baxay Caseyr-and, kaas oo ay sheegeen matali doono shan Degmo oo ku taala gobolada W/Bari oo
qaarkood ay ka mid yihiin Caluula, Gar-adag, Baargaal iyo degaano kale.
Odayaasha dhaqanka oo maanta soo saaray Waxsaxaafadeed lagu caddeynayo maamul goboleedkaasi ayay ku sheegeen inay ugu baaqayaan
dadka la degan degaanada Puntland inay kula noolaan doonaan si nabadgelyo ah beelaha kalena ay ugu baaqeen inaysan u arkin wax lidi
ku ah, Warsaxaafadeedkaasi ayaa sidoo kale lagu sheegay in ku dhawaaqidda maamul goboleedkani ay ka dambeysay shir ay yeesheen
siyaasiyiita, Waxgaradka, Isimada iyo Aqoonyahanada beeshaasi, taasoo ka dambeysay bay yiraahdeen kaddib markii ay kalsoonida kala
laabteen xukuumada Puntland ee uu hoggaamiyo Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.
Ku dhawaaqista maamul goboleedkan cusub ayaa la filayaa inay ka mid noqoto caqabadaha horyaala xukuumada Col. C/llaahi Yuusuf oo
wixii ka dambeeyay tan iyo markii uu xeelada Milateriga uga fara maroogsaday maamulkii Jaamac Cali Jaamac iyo ku dhawaaqista
xukuumadan oo iminka murano siyaasadeed u dhaxeeyaan.
Dhinaca kale Guddoomiyihii Gobolka Bari Md. Ibraahim Xasan Ismaaciil (Xaaji Bakiin) ayaa maanta si KMG ah xilkii Gobolka ugu
wareejiyay Md. Yuusuf Muumin lana wareegay xafiiskii iyo qalabkii yiilay xaruntii gobolka, sidoo kale waxaan weli xilkiisii
wareejinin Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Col. C/llaahi Mire iyadoo aan la ogeyn sababaha ka dambeysay
Maamul Goboleed Cusub oo Maanta Looga Dhawaaqay Degaanada Puntland
Permalink > Somalia > News > somaliuk.com > 01 Aug 2004 > 1,578 characters > ref: 281
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

