Waxaaa Taariikhdu markay ahayd May 31 2004 soo gaaray Magaalada Boosaaso labo Nino oo ah Ganacsato u dhalatay Dalka Norway oo lagu
kala Magacaabo Arfe Nerland iyo Paul Grimen, Ganacsatadaa ayaa waxaa safarkooda ku weheliyay Ganacsato u dhalatay Gobolada
Puntland,oo uu ka mid yahay Madaxa shirkada Telfoonada Netco ee Boosaaso ahna Madaxa shirkada Diyaaradaha Daallo ee Boosaaso
Maxamed Saalax Yuusuf.
Ganacsatadaa ayaa waxaa ay ku mareen kormeer Booqasho ah Dekada Magaalada Boosaaso iyo Shirkada Necfish ee kaluumaysiga waxaa
Booqashadoodaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DGPL Faraax Maxamuud Yuusuf (Dooxajoog) iyo Mas,uulka shirkada
SOMCAN oo ah shirkad ilaalisa Badaha Puntland Cabdi Cali Taar (Xiif), kadib booqashadaa Waxaan wax ka waydiinay Safarka
Ganacsatadaa Wasiirka Ganacsiga DGPL Dooxajoog oo aan ugu Horeentii Waydiinay waxa ay doonayaan in ay maal gashadaan Ganacsatadaan?
waxa uu Wasiirku ku jawaabay in ay doonayaan in maal gashadaan Warshado Kaluumaysi iyo in ay Bada ka kaluumaystaan, mar aan
Wasiirka wax ka waydiinay in ay jireen shirkado hore uga kaluumaysan jiray Badaha Puntland oo ay keeneen Ganacsato Reer Puntland
kuwaan waxa ay kaga duwanyihiin kuwii hore? ayuu wasiirku ku jawaabay in ay kuwaan doonayaan in ay keenaan warshado kadibna ay
maraakiibtooda ku soo xirtaan Dekada Boosaaso ay tahay in ay u maal gashanayaan in ay siiyaan shaqo shaqaale badan oo ka shaqeeya
warshadahaa iyo qaybaha kaluumaysiga, wasiirka ayaa ku daray hadalkiisa in ay kala hadleen sidii ay Ganacsatadaan u xoojin
lahaayeen Shirkada Ilaalisa Badaha Puntland ee SOMCAN oo uu hada Wakiilka shirkada (Xiif) uu nala Fadhiyo.
Wasiirka Ganacsiga DGPL oo ka waramaayay in uu Ruux kasta Maalgashan karo Puntland Qayraadkeeda kala duwan ayuu sheegay in ay
Wasaarada ganacsiga ku soo dhaweyneeyso ayna Doonayaan in shaqo ay ka helaan shaqaale badan oo u dhashay Puntland iyo Soomaaliya
intaba.
Ganacsato doonaysa in ay maalgashato Kaluumaysiga Puntland oo Booqasho ku yimi Puntland
Permalink > Somalia > Business > somalitalk.com > 01 Jun 2004 > 1,913 characters > ref: 158
slashnews
- Puntland oo xayiraad saartey laanta Af-Somaliga VOA
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-berdaale ee Somaliland oo dhimasho iyo dhaawac keenay
- Dagaalo culus oo ka socda Magaalada Muqdisho
- C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo”
- Madaafiic shalay galinkii dambe Muqdisho la isku weydaarsaday oo dhimasho sababtay

